Fana: At a Speed of Life!

Munaasabad lagu siinayay abaal-marinno kala duwan ciyaartoyda Maamulka Magaalada Jig-jiga oo ka qabsoontay magaalada Jig-jiga

Addis Ababa,Mar 29, 2021 (Megabit 20,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Munaasabaddan oo ahayd mid dhiirigalin ah ayaa waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiin ay kamid ahaayeen Maayerka iyo maayer kuxigeenka Maamulka Magaalada Jig-Jiga, kooxaha kubadda cagta, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Waxaana si guud loogu abaal-marinayay kooxha kubadda cagta, kubadda laliska, kubadda kolayga, tartanka orodka iyo tartanka shaxda ee matalayay caasimadda DDS ee magaalada Jig-jiga.

Masuuliyiintii munaasibaddani ka soo qeyb-gashay ayaa sheegay in munasabaddani ay tahay mid lagu dhiirigalinayo ciyaartoyda, islamarkaana ay sii wadaan dadaalkooda si ay uga qeyb-galaan tartamada ciyaaraha ee heer caalami.

Dhankoodana, ciyaartoydii lagu dhiirigalinayay munasaabaddan ayaa sheegay in ay sii laba jibaaari doonaan dadaalkooda.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.