Fana: At a Speed of Life!

NASA oo tijaabisay dayax gacmeed dalxiisayaal hawada u qaadi doona

Ababa Oct 14, 2020 (Tiqimti 04,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Gantaalkan dayax gacmeedka sida oo ay sameeysay shirkadda hawada sare uu leeyahay aasaasaha shirkadda Amazon Jeff Bezos waxaa loo naqshadeeyey inuu 2024-ka uu dalxiisayaal u qaado dayaxa.

Gantaalka New Shephered oo ay naqshadeysay Blue Origin si toos ah ayuu dhulka uga soo dagayaa marka uu hawada sare ka soo laabto.

Dayax gacmeedka waxaa lagu rakkibay Koombiyuutar, iyo barnaamij dayax gacmeedka ka caawinayo degitaanka dhaqdhaqaaqyada kale uu ku sameynayo marka uu hawada sare gaaro.

Nasa waxay dooneysaa sida uu dayax-gacmeedka u shaqeynayo marka hore in dhulka lagu tijaabiyo ka hor inta aan hawada sare loo dirin.

Tijaabada dayax-gacmeedka Talaadada la ganay ayaa noqonaya gantaalkii toddobaad oo Blue Origin ay sameysay ee New Shephered, taasoo ujeedkiisu yahay dhawaan inuu dalxiisayaal uu dayaxa u qaado.

Dayax-gacmeedkan wuxuu awood u yeelan doonaa inuu rakaab uu dhulka ka qaaday uu geeyo masaafo dhulka ka sarreyso 100 km ama 60 mile.

Shirkadda dayax gacmeedkaasi hawada sare u dirtayna waxay sheegtay inuu yahay kii ugu weynaa ee ay diraan.

Dayax-gacmeedka iyo gantaalka sida marka ay kala baxaan mashiinta dayax-gacmeedka wuxuu awood u leeyahay inuu keligii dhulka ku soo laabto.

“Tijaabada maanta waxay ahayd mid lagu faano. New Shepherd wuxuu suuragelinayaa macluumaad barnaamijka uu u baahan yahay inuu Mareykanka u keeno,” ayuu yiri Bob Smith oo ah maareeyaha guud ee Blue Origin.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.