Fana: At a Speed of Life!

New Zealand oo xayiraad kusoo rogtay musaafiriinta kaga imanaya Hindiya

Addis Ababa,Apr 08, 2021 (Megabit 30,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Waddanka New Zealand ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqay inay si kumeel gaadh ah u joojiyeen soo galintaanka dhammaan dadka socdaalka ah oo uga imaanaya wadanka India, kuwaas oo ay ku jiraan muwaadiniinteeda.

Saraakiisha Caafimaadka New Zealand ayaa sheegay in tiro badan oo ka mid ah kiisaska cusub ee COVID19 ay uga yimaadeen wadanka Koofurta Assia, waxaana xayiraadan ay saarnaan doontaa socotada uga imaaneysa India muddo laba todobaad ah.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii New Zealand ay diiwaan gelisay 23 kiis oo coronavirus oo cusub, kuwaas oo 17 ka mid ka yimaadeen India.

“Waxaan si ku-meelgaadh ah u hakineynaa soo galista New Zealand socotada ka imaaneysa India” ayay Ra’isul Wasaare Jacinda Ardern ku tidhi shir jaraa’id oo ay maanta ku qabatay magaalada Auckland.

Waa markii ugu horeysay oo New Zealand ay xayiraad nuucan ah saarto muwaadiniinta iyo dadka heysta deganaashaheeda, waxaana New Zealand oo hore u sheegtay inay xuduudaheeda ka saartay COVID19 ay tani noqoneysaa markii ugu horeysay muddo 40 cishe ah oo ay diiwaan galisay dad uu soo ritay xanuunkan, kuwaas oo badankood ka India.

India ayaa xanuunkan ku dhacay 12.8 milyan oo qof, waana wadanka sadexaad ee oo tiro intaas la’eg uu ku dhacay, marka laga reebo Mareykanka iyo Brazil, waxayna xilliga la dagaallameysaa mowjaddii labaad ee dilaagan.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.