Fana: At a Speed of Life!

Qaramada Midoobey oo sheegtay in Faransiisku dad rayid ah ku laayay Mali

Addis Ababa,Mar 31, 2021 (Megabit 22,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Duqeyn ay fuliyeen ciidmada Faransiiska ayaa waxaa ku dhintay 19 qof oo rayid ah iyo 3 nin oo hubeysan oo ku sugnaa xaflad aroos dalka Mali bishii January, waxaa sidaas lagu sheegay warbixin ay Qaramada Midoobey soo saartay.

Wasaaradda gaashaandhiga Faransiiska ayaa gaashaanka u daruurtay waxyaabaha lagu ogaaday warbixinta Qaramada Midoobey.

Waxay saraakiisha Faransiiska ku doodeen in weerarkii ay fuliyeen 3 January lala bartilmaameedsaday “koox argagixiso ah oo hubeysan”.

Dalka Faransiiska waxaa gobolka Saaxil ka jooga 5,100 askari oo halkaasi kula dagaalama kooxo mintidiin ah oo gacan saar la leh ururka Al-qaacida iyo kooxda la baxday dowladda Islaamka.

Qaramada Midoobey ayaa baadhitaankan fulisa ka dib markii dadka deegaanka ay sheegeen in diyaarad ah nooca Helekoptarka ay duqeysay dad ka qeyb galayay xaflad aroos meel u dhaw tuulada Bounti ee ku taalla bartamaha dalka Mali.

Baadhitaanka Qaramada Midoobey ayaa lagu ogaaday in xafladda arooska ay ku sugnaayeen “dad gaaraya 100 qof oo rayid ah islamarkana ay goobtaasi ahayd meesha weerarka lala bartilmaameedsaday”, sida wakaalada wararka ee AFP ay ka soo xigatay warbixinta Qaramada Midoobey.

Rag hubeysan oo gaaraya 5 oo la rumeysan yahay inay xubna ka yihiin kooxaha mintidiinta ayaa sidoo kale ka qeyb galay dabaaldagaasi arooska , sida lagu xusay warbixinta Qaramada Midoobey .

“Dadka ay saameysay duqeynta ayaa waxay aqlabiyadooda ahaayeen rayid kuwaasi oo lagu difaacay shuruucda caalamiga ah ee bina’aadanimada,” ayaa lagu xusay warbixinta Qaramada Midoobey.

Bayaan ka soo baxay, wasaarada gaashaandhiga Faransiiska ayaa lagu sheegay “in shaki wayn uu uga jiro hanaanka ay mareen ” baadhayaasha Qaramada Midoobey

Baadhitaanada Qaramada Midoobey ayaa waxaa fuliyay waaxda xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobey laantooda dalka Mali, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Kooxdani baadhayaasha ayaa lafa-gurid ku smaeeyay sawiro dhanka dayax-gacmeedka ah, waxayna dabayaaqadii bishii January ay booqdeen goobta ay duqeynta ka dhacday iyaga oo wareystay 400 oo qof.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.