Fana: At a Speed of Life!

Qarax aad u xoogan oo lala beegsaday hotel kuwa raaxada ah oo ku yaalla magaalada Quetta ee dalka Pakistaan

Addis Ababa,Apr 22, 2021 (Miyasiya 14,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday hotel kuwa raaxada ah oo ku yaalla magaalada Quetta ee dalka Pakistaa ayaa waxaa ku dhintay 4 qof.Weerarkan ayaa waxaa sidoo kale uu dhaawac ka soo gaadhay 12 qof.

Safiirka Shiinaha u fadhiya dalka Pakistan ayaa la tuhunsan yahay in qaraxan lagula beegsaday meel gawaadhida la dhigto oo ku taalla huteelka, sida ay wariyayaasha sheegeen.

Safiirka ayaa waxaa uu ku sugnaa magaalada Quetta, ee caasimadda gobolka Balochistan ee ku Taalla xudduuda Afqanistaan, balse markii uu qaraxa dhacayay goobta kuma sugnayn.

Taalibaaniyiinta dalka Pakistaan ayaa sheegtay masuuliyada weerarkan iyaga oo aan wax faahfaahin ah bixin.

Bilooyiinkii u dambeeyay kooxdan iyo kooxaha kale ee mintidiinta ayaa waxay sare u qaadeen weerarada ka dhaca goobaha ay dagan yihiin qabaa’ilada ee xudduuda Pakistan iyo Afqaanistaan.

Sawirada qaraxa oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dab ka kacay qeeybta gawaarida la dhigto ee huteelka.

Huteelka Serena ayaa ah midka ugu wanaagsan magaalada Quetta, islamarkana waa huteel ay degaan saraakiisha dowladda iyo ajaaniibta dalkaasi soo booqanaysa.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Pakistaan Sheikh Rashid Ahmad ayaa u sheegay telefishinka ARY in “gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu huteelka ku qarxay “.

Waxaa uu intaa ku daray in safiirka Shiinaha, Nong Rong, uu xaflad ku lahaa goobta, balse markii uu qaraxa dhacayay uusan goobta ku sugnayn.

Madaxa arrimaha gudaha ee gobolka Balochistan Ziaullah Lango ayaa saxaafada u sheegay in Mr Nong uu booqashadiisa Quetta uu soo gabagabeyn doonaa Khamiista.Balochistan waa goob ay ka socdeen kacdeen muddo dheer.

Kooxaha mintidiinta ayaa doonaya inay ka madaxbanaanaadaan Pakistan inteeda kale, waxayna ka soo horjeedaan mashaariicda waaweyn ee kaabayaasha dhaqaalaha ee Shiinaha ay halkaasi ka wadaan.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.