Fana: At a Speed of Life!

Qatar oo shaacisay lacagta ay ku bixineyso dib u dhiska Gaza

Addis Ababa,May 27, 2021 (Ginbot 20,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Qatar ayaa Arbacadii ku dhowaaqday inay $500 milyan ku bixin doonto dib u dhiska Gaza, kadib markii magaaladan ku taalla Falastiin ay burburiyeen duqeymo ay Israel ku wadday 11 maalmood oo xidhiidh ah.

“Dowladda Qatar waxay ku dhowaaqeysaa $500 milyan oo ah taageero dib loogu dhisayo Gaza,” waxaa sidaas soo tweet gareeyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani.

Qatar waa taageere muhiim ah oo ay leedahay Kooxda Xamas ee maamusha Marinka Gaza.

Lacagtan ayaa looga dan leeyahay inay caawiso dadka Gaza “ee wajahaya caqabadaha ka dhashay weerardii Israel ee dhowaa, ayna kaalin ka gaysato dib u dhiska goobaha adeegyada ee Gaza…taasi oo ay sii dheer tahay guryihii la burburiyey”, waxaa sidaas tidhi wakaaladda wararka rasmiga ah ee Qatar ee QNA.

Duqeymaha Israel ee Gaza ayaa billowday 10-kii May kadib rabshado ka dhacay masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus oo keenay inay Xamas gantaallo ku tuurto Israel.

Weerarada oo socday 11 maalmood ayaa Gaza ku dilay 254 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 66 caruur ah, waxayna dhaawaceen in ka badan 1,900 oo kale, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Gaza.

Dhinaca kale, gantaallo ay Xamas ku garaacday Israel ayaa galaaftay nolosha 12 qof oo ku noolaa Israel, oo uu ku jiro qof Hindi ah iyo Laba qof oo kasoo jeeday Thailand oo shaqo u joogay, sida ay sheegeen kooxaha caafimaadka. Qiyaastii 357 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay.

Waxaa hadda socda dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xoojinayo xabad-joojin aan cago adag ku taagneyn oo ay ka shaqeysay Masar.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.