Fana: At a Speed of Life!

Shir lagu qiimaynayay war-bixinta waxqabadka 12-kii bilood ee la soo dhaafay ee shirkadaha horumarinta dowladda oo ka qabsoomay magaalada Jig-jiga

Addis Ababa,June 30, 2021 (Senee 23,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Qiimeyntii war-bixinta waxqabadka 12-kii bilood ee la soo dhaafay ee shirkadaha horumarinta dawladda ayaa ka qabsoomay magaalada Jig-jiga.

Qiimeyntan ayaa looga golleeyahay soo-bandhigidda gal-daloolooyinka ka jira shaqada si loo saxo, islamarkaana looga gudbo xilli shaqeedyada soo socda.

Qiimeyntani war-bixinta waxqabadka 12-kii bilood ee la soo dhaafay ee sannad-miisaaniyeedka 2013-ka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiinta Xafiiska Maaliyadda Iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maamulka Wakaaladda Dabaalka Iyo Taakulaynta Shirkadaha Dawladda ee DDS iyo masuuliyiinta shirkadaha dawladda.

Wasiirka Xafiiska Maaliyadda Iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDS, Mudane Mubashir Dubbad Raage oo furitaanka qiimeyntani ka hadlay ayaa sheegay in shirkadaha dawladda looga baahan yahay in ay la yimaadaan shaqo-abuurka ka baxsan kan ay ka hayaan Deegaanka Soomaalida, islamarkaana ay deegaannada kale ee dalka iyo kuwa jaarka ka samaystaan suuq ay ku soo bandhigaan waxqabadkooda.

Maareeyaha Wakaaladda Dabagalka Iyo Taakulaynta Shirkadaha Dawladda, Inj. Maxammed Cabdullaahi ayaa sheegay in shirkadaha lagu qiimaynayo wixii u qabsoomay iyo wixii aan u qabsoomin si caqabadaha jira sixitaan loogu sameeyo.

Qiimeyntan ayaa waxaa ay socon doontaa muddo 2 maalmood ah, iyada oona lagu billaabay Shirkadda Abuurka Xulka Beeraha Iyo Calafka Xoolaha Ee DDS iyo sida oo kale Shirkadda Darasaadka Nashqadaynta Iyo Dabagalka.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.