Fana: At a Speed of Life!

QM oo magaalo Jamhuuriyadda Afrika dhexe ku taal dib ugala wareegtay koox fallaago ah

Addis Ababa,Dec 24, 2020 (Tehsas 15,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in magaalada Bambari ee Jamhuuriyadda Afrika dhexe (CAR) dib loogala wareegay fallaagadii qabsatay maalintii Talaadadii.

Afhayeen u hadlay QM ayaa sheegay in ciidammada nabad ilaalinta ee QM iyo kuwa amniga ee dalkaasi ay gacanta ku hayaan magaaladaasi, iyagoo maleeshiyaadkiina dib ugu riixay dhanka duurka.

Wuxuu sheegay in dadkii rayidka ahaa ee ku barakacay dagaallada ay bilaabeen inay dib u soo laabtaan.

Jamhuuriyada Afrikada dhex ayaa lagu wadaa inay doorasho ka qabsoonto maalinta Axada ah ee innagu soo aaddan.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.