Fana: At a Speed of Life!

QM oo sheegtay in lagu Xadgudbay Cunaqabateynta hubka ee Libya

Addis Ababa,Feb 20, 2021 (Yekatit 13,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Erik Prince oo ah qandaraasle dhanka amniga ah, xulafana la ahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump, ayaa jabiyay cunnaqabateyntii hubka ee Qaramada Midoobay saartay Libya, baadhayaasha Qaramada Midoobay ayaa ku helay warbixin faahfaahsan oo ay Jimcihii qortay warbaahinta Mareykanka.

Warbixin qarsoodi ah oo loo diray Golaha Amniga ee QM, oo ay heleen wargeysyada New York Times iyo Washington Post, ayaa lagu sheegay in Prince uu sanadkii 2019-kii geeyay hub iyo ciidan calooshood u shaqeystayaal shisheeye ah oo taageeraya Khalifa Xaftar, oo u xusul duubaya in uu rido dowladda Libya ee ay Qaramada Midoobay taageerto.

New York Times ayaa qortay in howlgalka oo ay ku baxday $ 80 milyan ay ku jirtay qorsheyaal lagu unkayo koox qaabilsan ugaarsiga taliyeyaasha Libya ee ka soo horjeeda Haftar, kuwaasi oo ay ku jireen shaqsiyaad haysta dhalashada Midowga Yurub.

Prince, oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada Navy SEAL ee Mareykanka, ayna sidoo kale walaalo yihiin Wasiirkii Waxbarashada ee Trump, Betsy Devos, ayaa sumcad xumo ka soo gaartay xilli uu ahaa madaxii shirkadda amniga ee Blackwater, oo qandaraaslayaasheeda lagu eedeeyay in ay sanadkii 2007 ku dileen magaalada Baghdad dad rayid ah oo aan hubeysneyn.

Afar ka mid ah kuwa loo xukumay falkaasi ayaa waxaa sanadkii hore cafis u fidiyay Trump.

Eedeyntan ayaa suurtagal ka dhigi karta in Prince uu wajaho cunnaqabateyn ay saarto QM oo ay ku jirto xayiraad dhanka safarka, sida ay New Times qortay.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.