Fana: At a Speed of Life!

Qowmiyadda Tigrayga ee ku nool magaalada Addis Ababa oo ku eedeeyey argagixisada TPLF inay hor istaageen gargaarkii la gaadhsiin lahaa dadka ku tabaalaysan deegaanka Tigray

Addis Ababa,Aug 29,2021 (Nehase 23,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Qowmiyadda Tigrayga ee ku nool caasimaddan Addis Ababa ayaa ku eedeeyey argagixisada TPLF inay hor istaageen gargaarkii la gaadhsiin lahaa dadka ku dhibaateysan deegaanka Tigray.

Maamulka Magaalada Addis Ababa ayaa kulan laga arrinsanayay xaaladda hadda dalka ka taagan la qaatay Qowmiyadda Tigrayga ee ku dhaqan caasimadda dalka.

Intii uu socday kulankaasi ka qaybgalayaashu waxay sheegeen in kooxda sharciga baalmartay ee TPLF ay tan muddadii soddonka sano ku dhawayd ee taladu gacanta ugu jirtay ay faafineysay hadallo aan la aqbali karin, cunsuriyad iyo naceyb.

Waxa ay sidoo kale cambaareeyeen gabood -fallada iyo adeegsiga kooxda argagaxisada ahi ay ku askaraynayso carruurta yar -yar ee, iyagoo caddeeyay inay ka go’an tahay inay la dagaallamayaan Juntaaga ee dagaalka ka dhex abuuraysa Itoobiya iyo dadkeeda si uu burburo dalku.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.