Fana: At a Speed of Life!

Rabshado xooggan oo gilgilay magaalada Philadelphia ee Maraykanka

Addis Ababa Oct 28, 2020 (Tiqimti 18,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Boqolaal mudaharaadayaal ah oo ku sugan magaalada Philadelphia ee dalka Maraykanka ayaa bannaanbaxyo xooggan dhigaya habeenkii labaad oo isku xiga, iyagoo dalbanaya sidii uu caddaalad heli lahaa nin madow ah oo ay booliisku si arxan darro ah u toogteen.

Ninka madow ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Walter Wallace ,da’diisuna waxa ay ahayd 27 sano jir.

Qoyska Walter Wallace ayaa sheegay in wiilkoodu uu dhanka dhimirka wax ka qabay markii ay askartu rasaasta ku fureen.

Booliska ayaa sheegay in sababtii ay u toogteen ahayd ,isaga oo ka dhega adaygay in uu iska dhigo toorray uu sitay.

Booliska xoojinta ee ka hortaga rabshadaha iyo sidoo kale Ciidanka Qaranka ayaa la geeyay goobta.

Saraakiishu waxay sheegeen in 30 sarkaal la dhaawacay habeenkii ugu horreeyay ee la is farasaaray.

Booliska magaalada ayaa sidoo kale ku eedeeyay mudaaharaadayaasha in ay dhac iyo boob u geysteen meherado intii ay socdeen rabshadahu

Qareen u doodayay qoyskiisa ayaa yidhi ’’Mr Wallace wuxuu qabay cudurka laba-cidhidhifoodka(Waa xaalad caafimaad oo maskaxda ku timaada oo ay sababaan isbeddello xagga niyadda ah oo ay ka mid yihiin kacsanaan iyo niyad jab).xaaskiisuna waxa ay u sheegtay saraakiisha ka hor intii aanay toogan.

Dhanka kale,Murashaxa madaxweynenimo ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris oo arrinta ka felcelinayay ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay ku yidhaahdeen: “Quluubtayadu waxay la tiiraanyaysan tahay qoyskii Walter Wallace Jr, iyo dhamaan kuwii ay saamaysay culeyska shucuureed ee nafbixidda nolol kale oo Mareykan madow ah”.

”Ma aqbali karno in waddankan dhibaato dhimirka ahi ay horseedo dhimasho. ”

Philadelphia waa magaalada ugu weyn gobolka Pennsylvania, waana gobol muhiim u ah doorashada madaxtinimada ee dhaceysa toddobaadka soo socda

Dilalka ay booliisku dadka madow ee Maraykanka ah u geysanayeen ayaa  waxa ay muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay gudaha maraykanka.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.