Fana: At a Speed of Life!

Ra’iisal Wasaaraha oo bulshada masiixiga ah ugu hambalyeeyay dabaaldegga ciidda Timket (Epiphany)

Addis Ababa,Jan 18,2022 (Dir 10,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ayaa ugu hambalyeeyay bulshada masiixiga ah dabaaldegga ciidda Timket (Epiphany).

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa ugu baaqay shacabka Itoobiya in ay is cafiyaan, kalgacal iyo is-dhul-dhig  u muujiyaan dadka ay isla degenyihiin si loo ilaaliyo sharafta iyo karaamada qaranka.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa tilmaamay in qaabka ay dadka Itoobiyaanka ah ugu dabaaldegaan Timket ay suurtagelinayso in Itoobiya si gaar ah uu caalamka u fiirsado. Bandhiga Timket wuxuu si aad ah u bilay Itoobiya.ayuu yidhi Ra’iisal wasaare Abiy.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa shacabka Itoobiya ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan howlaha dalxiiska si ay u soo jiitaan dalxiisayaal badan, si uu kobocdo waaxda dhaqaalahu.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.