Fana: At a Speed of Life!

Ra’iisal Wasaaraha Sudan oo safar shaqo ku yimi dalkan Itoobiya

Addis Ababa DEC 13, 2020 (Tehsas 04,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaaraha dalka Suudaan Cabdullah Xamdok ayaa subaxnimadii hore ee saaka soo gaadhay dalkan Itoobiya, isaga oo muddo laba maalmood ah ku sugnaan doona caasimada dalka ee Addis Ababa.

Markii uu ra’iisal wasaare Xamdook ka soo degay gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Bole ee magaaladan Addis Ababa ,waxaa si diirran u soo dhaweeyay ra’iisal wasaare Abiy Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Labada hoggaamiye ayaa la filayaa inay ka wada xaajoodaan arrimo kala duwan oo ah dhinacyada bini’aadaninnimada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga labada dal.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.