Fana: At a Speed of Life!

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed oo bilaabay xujo uu muwaadiniinta Itoobiya ugu baaqayo in dalka kusoo laabtaan

Addis Ababa,DEC 02,2021 (Hidar 23,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa Qurba joogta dalkan Itoobiya ku xujeeyay in ay hal milyan oo qof ay dalka kusoo guryo-noqdaan.

Ra’iisal wasaare Abiy oo warbixintan ku baahiyay bartiisa xidhiidhka bulshada ayaa waxa muwaadiniinta Itoobiyaanka ah iyo saaxiibada Itoobiyaba ugu baaaqay in fariintiisan ay aqbalaan islamarkaana ay kasoo dhalaalaan doorkooda.

Dhanka kale,muwaadiniinta ku nool dalka gudihiisa iyo debadiisaba ayaa waxa ay muujiyeen taageerooyinkooda ka sokow sida ay ugu faraxsanyihiin guulihii isdaba joogga ahaa ciidamada difaaca qaranku.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.