Fana: At a Speed of Life!

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed oo ka qaybgalay shir lagu qiimaynayay mashaariicda iyo waxqabadka shaqo ee maamulka magaaladan Addis Ababa

Addis Ababa,Feb 25, 2021 (Yekatit 18,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa maanta shir-guddoomiyay shir lagu qiimaynayay mashaariicda iyo waxqabadka shaqo ee maamulka magaaladan Addis Ababa,ee lixdii bilood ee lasoo dhaafay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in qiimeynta waxqabadka shaqo ee maamulka magaaladu ay qeyb ka tahay sii socoshada dhaqanka qiimeyneed ee waxqabadka dowladda.

Maarer-kuxigeenka magaalada Addis Ababa Adanech Abiebie ayaa dhankeed soo jeedisay waxyaabihii u qabsoomay lixdii bilood ee lasoo dhaafay.

Waxa ay sheegtay in maamulka magaaladu uu qabtay dedaallo wax looga qabanayay dhibaatooyinka xagga guryaha ee dadka hayntoodu yartahay, wuxuuna ku guuleystay in maamulka magaaladu la wareego oo uu gacanta dawlada kusoo celiyo 1,338 hektar oo dhul ah oo si sharci darro ah ay ku haysteen shaqsiyaad iyo ururo ka jiray meelo ka mid ah caasimada.

Maayo-kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegtay in maamulka magaalada uu fulinayo mashaariic kala duwan oo ah dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha si loo dardar galiyo wax kabedelka dhaqaalaha bulshada iyo magaalada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.