Fana: At a Speed of Life!

Ra’iisal Wasaare Abiy iyo Madaxweynaha Maraykanka oo wadaxaajood khadka taleefanka ah wada yeeshay

Addis Ababa,Jan 10,2022 (Dir 02,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in kulan khadka taleefanka ah ay wada yeesheen Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden.

Waxaana uu Ra’iisal Wasaare Abiy sheegay in xidhiidhkaa dhinaca khadka taleefanka ah ay kaga wadahadleen xidhiidhka labada geesoodka ee labada dal iyo arrimaha gobolka geeska Afrika.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa farriin usoo dhigay bartiisa xidhiidhka bulshada ku sheegay in ay isku afgarteen in muhiim ay tahay xidhiidhka ka dhexeeya labada wadan uu noqdo mid ku dhisan is-ixtiraam.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.