Fana: At a Speed of Life!

Ra’iisal Wasaare Abiy oo diray dhambaal ku aadan xuska Irrecha

Addis Ababa,Oct 01,2021 (Maskarem 21,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa dhambaal hambalyo ah diray dabaaldega xuska(ciidda) Irrecha awgeed.

Dhambaalkiisa ayaa ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku sheegay in Irrecha ay tahay xus ku aadan adkeysi (samir) iyo isbeddel ku waajahan mustaqbal ifaya.

Waxaana uu sheegay in Irrecha ay tahay mid ka mid ah qiyamka dhaqameed ee Qowmiyadda Oromada ah,isaga bogaadiyay sidii awoowayaashii u ilaaliyeen uguna soo gudbiyeen jiil-ba jiil-kuu ka dambeeyay.

Irrecha waa ciid mahadnaq, dib -u -heshiisiin, nabad, is -cafin jacayl iyo midnimo,waxaana Ra’iisal Wasaarahu uu xusay in dadweynaha Itoobiyaanku ay ciidsan ugu dabaalgegaan si nabadgeliyo ah

“Maaddaama Irrecha ay tahay xus aynu ugu mahad-naqayno Ilaaha Qaadirka ah abuuritaankiisa quruxda badan iyo barakooyinka, dabaaldegga waxaa lagu xusayaa in lagu muujiyo rajooyinka wanaagsan ee filashada mustaqbal wanaagsan,” ayuu ra’iisal Wasaare Abiy hoosta ka xarriiqay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.