Fana: At a Speed of Life!

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka oo kulan la qaatay madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaaalinta xuquuqda Aadanaha ee Bariga Afrika

Addis Ababa,Apr 28, 2021 (Miyasiya 20,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda JDFI,mudane Dhemeke Mekoonin ayaa kulan wadaxaajood la qaatay Marcel C. Akpovo oo ah madaxa Qaramda midoobay u qaabilsan ilaaalinta xuquuqda Aadanaha ee Bariga Afrika.

Dhemeke oo qaabilaadaasi ka warxbixiyay ayaa sheegay in uu aad ugu riyaaqay taageerada ay Qaramada midoobay siiso Itoobiya ee la xidhiidha ilaalinta xuquuqda Aadanaha.

Wuxuuna sheegay in Itoobiya sii wadi doonto islamarkaana ay sii xoojin doonto xidhiidhka ay la leedahay Qaramada Midoobay.

Wasiir Dhemeke ayaa sidoo kale kulankani ka caddeeyay in arrin loo riyaaqo ay tahay in komishanka sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta xuquuqda Aadanaha iyo ka itoobiya u qabilsan ilaalinta xuquuqda Adaanaha ay si wada jir ah ugo’aamiyeen in baadhitaan madax bannnaan lagu sameeyo xad-gudubyadii la sheegay in ay ka dhaceen deegaanka Tigray.

Waxa kale oo uu madashaasi ka sheegay sida  Itoobiya ay ugu go’antahay in ay tixgeliso natiijooyinka kasoo baxa baadhitaanka lagu samaynayo xuquuqda Aadaha ee degaanka Tigray,islamrkaana ay marwalba Itoobiya ku dedaalayso ilaalinta iyo xurmaynta xuquuqda Aadanaha.

Dhanka kale ,wasiir Dhemeke waxa uu tafaasil ka siiyay arrinta la xidhiidha biyo-xheenka iyo wadaxaajoodyadii saddex-geesoodka ahaa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.