Fana: At a Speed of Life!

Ra’iisal Wasaarihii Suudaan oo is casilay

Addis Ababa,Jan 03,2022 (Tihsas 25,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamdook ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilayo xilli ay socdaan dibadbaxyo ballaadhan oo looga soo horjeedo xukunka milateriga afgembiga kula wareegay talada dalkaasi.

Milateriga ayaa afgambi billaabay bishii Oktoobar waxayna Mr Hamdok sameeyeen xilligaas xabsi guri, laakiin dib ayaa loogu soo celiyay xukunka bishi xigtaya ka dib markii uu saxiixay heshiis cusub oo ku dhisan awood qeybsi ah.

Mudaaharaadayaal diiddana sida xaalku u socdo ayaa muddooyinkii u danbeeyey sii waday i ay waddooyinka gaaf wraeegaan xilli ay dalbanayaan hoggaan siyaasadeed oo rayid ah.

Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka, ayuu Mr Xamdook ku sheegay in loo baahan yahay heshiis cusub oo Suudaan ay ugu gudubto xaalad dimuqraadiyad.

“Waxaan go’aansaday in aan dib u celiyo mas’uuliyadda, oo aan ku dhawaaqo in aan iska casilayo xilka ra’iisal wasaaraha, oo aan fursad siiyo nin ama haweeney kale oo dalkan sharafta leh … ka caawiaya sidii uu uga gudbi lahaa inta ka hadhsan xilliga ku meel gaadhka ah si uu u noqdo waddan rayid ah oo dimuqraadi ah.” ayuu yidhi.

Ciidamada ammaanka ayaa dilay laba qof maalinnimadii Axada intii ay socdeen mudaaharaadyo looga soo horjeedo xukunka militariga, sida laga soo xigtay guddiga Dhakhaatiirta dhexe ee Suudaan ee taageera dimuqraadiyadda.Laamaha ammaanka ayaan ka hadlin dhimashadaas.

Ugu yaraan 56 qof ayaa lagu dilay mudaaharaadyadaas tan iyo afgambigii dhacay 25kii Oktoobar 2021, sida ay guddidani baahiyeen

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.