Fana: At a Speed of Life!

Ruushka oo lagu eedeeyay in uu ka danbeeyay weerarkii dhanka internetka ee lagu qaaday Mareykanka

Addis Ababa,Jan 06, 2021 (Tehsas 28,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay, in ay u badantahay in Ruushku uu ka danbeeyay, weeraro dhanka internetka ah oo lagu jabsaday kambiyuutarrada wasaarado ka tirsan Dowladda Federaalka Mareykanka.

Weeraradaasi ayaa laga warhelay bishi lasoo dhaafay. Meelaha lala beegsaday ayaa waxaa ka mid ah Wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyadda iyo Tamarta iyo sidoo kale shirkado gaar loo leeyahay.

Warkan kasoo baxay Sirdoonka Mareykanka lagu sheegay in wali ay wadaan baadhitaanno lagu xaqiijinayo suurtagalnimanada hay’ado kale oo ay budhcaddani weerareen.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in hadafka weerarka uu u muuqdo mid lagu raadinayay xogo dhanka mukhaabaraadka ah, balse aanay u muuqan mid kharbudaad lagu rabay.

Madaxweyne Trump ayaa weersrkaasi horay ugu eedeeyay dowladda Shiinaha.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.