Fana: At a Speed of Life!

Ruushka oo taageeray wadaxaajoodka saddex-geesoodka ah ee uu gadhwadeenka ka Midowga Afrika

Addis Ababa,June 01, 2021 (Ginbot 25,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Agaasimaha waaxda arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arimaha Dibada ee Ruushka, Vsevolod TKACHENKO ayaa caddeeyay taageerada uu dalkiisu u hayo wadaxaajoodka sadex-geesoodka ee uu Modowga Afrika gadhwadeenka ka yahay, ee ku aaddan Biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya.

Vsevolod TKACHENKO  ayaa kala xaajooday Safiirka Itoobiya u jooga Ruushka Alemayehu Tegenu arrimo kala duwan oo la xidhiidha xaaladihii ugu dambeeyay ee dalkan Itoobiya iyo guud ahaan gobolka.

Agaasimuhu  waxa kale oo uu sheegay in khilaafka xuduudeed ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Suudaan ay tahay in lagu xaliyo habab nabadeed oo miiska wadahadalladala iskugu yimaaddo isla markaana la sameeyo wada hadalo dhab ah oo waxtar u leh danaha labada qaran.

Dhanka kale waxa uu bogaadiyay isaga ku hadlaya afka dalkiisa doorashada guud ee 6aad ee lagu  wado in  dalka ay ka dhacdo dhammadka bishan ay ku jirno  ee June.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.