Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy Axmed oo kulan la qaatay mulkiilayaal ganacsi iyo aqoonyahano kasoo jeeda deegaanka Tigray

Addis Ababa,Apr 19, 2021 (Miyasiya 11,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa kulan la qaatay mulkiilayaal ganacsi iyo aqoonyahano kasoo jeeda deegaanka Tigray oo ku dhaqan  magaaladan Addis Ababa.

kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha taagan iyo xaaladda deegaanka Tigray, sida ra’iisal wasaarahu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Dib u dhiska deeganka Tigray waxay u baahan tahay dadaal wada jir ah oo ay la yimaadaan jilayaasha kala duwan, gaar ahaan kuwa ka soojeeda deegaanka, ayuu raaciyay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.