Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy iyo madaxwetynaha dalka Turkey-ga oo wadaxaajood khadka taleefanka wada qaatay

Addis Ababa,Aug 02 ,2021 (Hamle 26,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Dr.Abiy Axmed ayaan kulan wadaxaajood oo khadka taleefanka la qaatay madaxwetynaha dalka Turkey-ga , Recep Tayyip Erdogan.

Wadaxaajoodka labada hoggaamiye ayaa waxa ka mid ahaa sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka dublamaasideed iyo wax wada qabsi ee ka dhaxeeya labada dal ee Itoobiya iyo Turkiga.

Waxa kale oo labada hoggaamiye ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha xaaladaha hadda taagaan.

Madaxweyne Erdogan ayaa dhankiisa caddeeyay in Turkigu ahmiyada ballaadhan siinayo amniga iyo xasilloonida Itoobiya, waxaaana uu carrabka ku adkeeyay in Turkigu uu diyaar u yahay in taageero nooc kasta ah  uu la garab istaagayo  Itoobiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.