Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy iyo Madaxweyne Isaias oo boqasho ku tegay mashruuca koronto ka dhalinta biyaha ee Koysha.

Ababa Oct 13, 2020 Tiqimti 03,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaaraha JDFI DR. Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritareeya Isayaas Afwerki oo booqasho ku jooga dalkan Itoobiya ayaa saaka waxa ay booqasho wadajir ah ku gaala-bixiyeen biyo xidheenka koronto ka dhalinta biyaha ee Koysha.

Mashruucan biyo xidheenka koronto ka dhalinta biyaha oo ku yaalla koonfur- Galbeed ee dalkan itoobiya ayaa ah biya xidheenkii Afaraad ee koronto lagaga dhalinayo wabiga Omo.

Biyo xidheenkan oo awood u leh inuu hal mar soo saaro quwada koronto oo dhan 2,200 oo Megawatt ayaa waxa uu sidoo kale saannadkiina soo saari karaa awood koronto oo lagu qiyaasay 6,000 oo Gigawatt.

Mashruuca koronto ka dhalinta ayaa la dhammaystiray boqolkiiba soddon iyo lix (36%), waxaana la rajaynayaa in laga hirgeliyo meelo ku wanaagsan dalxiiska marka la dhamaystiro.

Waxaa xusid mudan in bishii hore uu Ra’iisal wasaare Abiy Axmed uu booqday oo uu indha-indhayn kusoo sameeyay halka uu marayay mashruucani.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.