Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy oo dadweynaha Itoobiya ugu hambalyeeyay xuska sannad-guuradii 80aad ee kasoo wareegtay maalinta halgamayaasha

Addis Ababa,May 05, 2021 (Miyasiya 27,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaaraha JDFI Dr.Abiy Axmed ayaa ugu hambalyeeyay halgamayaasha xuska sannad-guuradii 80aad ee kasoo wareegtay 27-ka bisha Miyaasiya oo maanta ku beegan,taas oo ah munaasibad sannad kasta laga xuso dalkan Itoobiya.

Ra’iisal wasaare Abiy ayaa waxa uu sheegay in wadaniyiinta maanta la xusayo ay yihiin ,kuwii guulihii dhaxalgalk  kasoo hooyay Shantii sannadood wadaniyiintu ay halganka qadhaadh kaga guulaysteen gumaystihii Talyaaniga.

Ra’iisal wasaaraha oo hadalkiisa sii wata wuxuu ku nuux-nuuxsaday in wadaniyiintaas aynu ka baran karno waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin Waddan-jacayl,Qaran-jacayl,iyo midnimadooda oo ay xoojiyeen iyaga oo weliba ku hoos dulmanaa xukuumadihii boqortooyada ee dhaxalka ku salaysnaa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.