Fana: At a Speed of Life!

Rw Abiy oo Daah-furay dhismaha xarunta caafimaadka ee Roha

Addis Ababa,Apr 10, 2021 (Miyasiya 02,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasare Abiy Axmed oo ay wehelinayeen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowlada ayaa daahfuray dhismaha xarunta caafimaadka ee Roha oo laga dhisayo magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.

Qaabdhismeedka xaruntan caafimaad oo dhismaheeda la bilaabay ayaa la sheegay in ay noqon doonto xarun si casri ah loo qalabeeyay, waxayna ka koobnaan doontaa 5 cusbitaal waaweyn oo wadar ahaan qaadaya 1,200 oo sariirood. 

 “Horumarinta daryeelka caafimaadka ee muwaadiniinta  waa muhiimada koowaad ” ayuu yidhi Ra’iisal wasaaruhu. 

Dhismaha xarunta caafimaadka ayaa looga golleeyahay in Ethiopia ka dhigto xarunta dalxiiska caafimaadka Afrika. Dhismaha ayaa lagu wadaa in lagu sawiro ah naqshadaha qadiimiga ah ee Itoobiya, ayaa lagu sheegay munaasabadan.

Marka la dhammeeyo, xaruntan caafimaadka ayaa la filayaa inay Shaqo-abuur u samayso 4,200 xirfadlayaal caafimaad iyo 7,500 oo muwaaddiniin ah oo ka kala socda qaybaha bulshada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.