Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy oo dhir ku beeray Dawlad Deegaanka Canfarta.

Addis Ababa Jul 24,2020 (Hamle 17,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaaraha JDFI Dr Abiy Axmed ayaa saaka dhir ku beeray magaalada Samaara ee dawlad Deegaanka Canfarta.

Dhirbeeridda waxa Ra’iisal Wasaaraha kala qayb qaatay Wasiirro iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowlad-deegaanka canfarta, oo uu ku jiro madaxa maamulka deegaanka Canfarta Cawil Arba.

Deegaanka canfarta ayaa maanta lagu wadaa inuu beero 1.8 milyan oo geed.

Dhanka kale,Itoobiya ayaa qorshaynaysa inay beerto 5 bilyan oo geed inta lagu guda jiro sanadkan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.