Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy oo indha-indhayn ku tegay Beero waraab oo ku yaalla Deegaanka Oromiya

Addis Ababa,Jan 30, 2021 (Dir 22,2013 T.I (FBC/SOMALI)- Ra’iisal wasaare Abiy oo ay wehliyaan masuuliyiin sar sare oo katirsan dowlada ayaa booqasho ku tagay dhul beereed kuyaala deegaanka Oromiya.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in howlo baaxad leh laga qabtay ilaa hada deegaanka oromiya si loo beero 130,000 hektar oo sarreen ah oo dhul hoose ah iyada oo waraab ku socdo.

Horumarka hadda socda ee wadarta guud ee 300,000 hektar loo qorsheeyay, wuxuu si weyn u muujinayaa hamigeenna iyo Kartideena ayuu yidhi.

Itoobiya waxay si aad ah uga shaqeyneysaa sidii ay ugu beddeli laheyd lasoo degidda qamadiga mid maxalliya ah oo mudnaanta la siinayo waxsoosaarka beeraha waraabka ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.