Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy oo isugu yeedhay Guddiga maalgashiga iyo shaqo-abuurka ee dalka.

Addis Ababa Jul 27,2020 (Hamle 20,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa isugu yeedhay guddiga qaran ee maalgashiga iyo shaqooyinka si ay u qiimeeyaan hawlaha shaqo abuurka qaranka ee la fuliyay sanadkii la soo dhaafay iyo odorosida  arrimahaasi ee sanadka socdaba .

Guddigan oo uu guddoomiye u yahay RW Abiy Axmed waxaa la aasaasay sanadkii lasoo dhaafay waxaana xubnahani ay  ka koobanyihiin R / wasaare kuxigeenka JDFI, Madaxweynayaasha dawlad Deegaannada, maayarada labada maamul magaalo ee Adis-ababa iyo Diridhabe iyo laba wakiil oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Guddiga Qaranka ayaa sheegay in bartilmaameedkii qaran ee shaqo abuurka saddex milyan oo shaqooyin muddo hal sano ah la dhafay oo la abuuray shaqooyin dhan 3,387,079 kuwaas oo laga fuliyay guud ahaan beeraha, warshadaha iyo waaxda adeegyada.

In kasta oo 330,000 shaqooyin ah uu sameeyay COVID 19, haddana khasaaraha la diiwaangeliyay ma aanu noqon sidii  sidii hore loo filayay oo kale.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee kaqayb qaatay horumarka weyn ee la gaadhay waxaa ka mid ah kor u qaadista ama xoojinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, mashaariicda ballaadhan ee dawladda, iyo diiradda oo la saaray horumarinta ganacsiga iyo taageerada waaxaha maalgelinta ,sida lagu sheegay bayaanka Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Miisaaniyadda sanadka 2012/2013 (2020/2021) waxaa lagu wadaa in la abuuro 3 milyan oo kale oo shaqooyin ah oo dalka oo dhan ah.

Ra’iisal wasaare Abiy ayaa carrabka ku adkeeyay in geedisocodka Itoobiya ee barwaaqadu aanu noqon doonin in lagu carqaladeeyo kalaqaybin balse ay muhiim tahay in lagu sii tallaabsado dariiqa horumarka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay dawlad deegaannada in ay mudnaanta siiyaan dhisida maskaxda iyo hab-dhaqanka dhalinyarada iyada oo loo weecinayo tabarucida iyo samaynta tabarucida in ay shuruud noqoto shaqaalaysiinta.

waxa kale oo uu ku baaqay in la wanaajiyo hawlgelinta, iyo iskuxidhka ka dhaxeeya dadaallada waaxaha  gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawladdaba iyo in la xoojiyo waaxda maaliyadda si loo taageero dhallinyarada, beeralayda iyo qaybaha kale ee nolosha ka sameeya dakhliyada yar yar ee waddanka oo dhan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.