Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy oo ku dhawaqay in ciidamo dheeraad ah loo diro gobolka ay shaqaaqadu ka dhacday ee metekel

Addis Ababa,Dec 24, 2020 (Tehsas 15,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay hawlgalinta ciidamada lagama maarmaanka u ah wax ka qabashada sababaha keenay dhibaatada amni darro ee gobolka Metekel.

Ra’iisal wasaaraha ayaa go’aankan ku dhawaaqay subaxnimadii saaka ka dib xasuuqii maalintii Talaadada  ka dhacay gobolka Metekel ee deegaanka Benishangul Gumuz.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ehelkooda ku waayay falkii ka baxsansaa bani’aadamnimada ee lagula kacay dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

“Dadaalladeenna aan siyaabo kala duwan ugu xallinayno dhibaatada ma aysan keenin natiijooyinkii loo baahnaa” ayuu ku qoray boggiisa rasmiga ah ee Facebook.

Ujeedada cadawgeenu waa in uu wiiqo awooddii aan meesha kaga saarnay budhcadii. tani ma guuleysan doonto, ”ayuu sii raaciyay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay in dhammaan si wada jir loo wada shaqeeyo si loo gaadho hadafka loo baahanyahay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.