Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy oo kulan la qaatay danjirayaasha si loo xoojiyo Xidhiidhka Diblomaasiyadeed ee Wadamada Saaxiibka la ah dalkan Itoobiya

Ababa Sep 9, 2020 (Baagume 4,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Dr .Abiy Axmed ayaa shalay la kulmay safiirrada iyo wakiillada dalkan Itoobiya ugu matala dhanka arrimaha dibada.

Safiirrada iyo wakiilada arrimaha dibada (danjirayaasha) ayaa waxay Isniintii lasoo dhaafay soo gabagabeeyeen kulankoodii sanadlaha ahaa ee lagu qabtay magaalada Bishoftu kulankaas halkudhig looga dhigay: ”wakiillada Diblomaasiyadeed ee Barwaaqada Qaranka.”

Markii uu soo dhammaaday shirkii labada toddobaad socday, waxa uu ra’iisul wasaaruhu la kulmay safiirrada, si ay u dejiyaan geedisocodka siyaasadeed una xoojiyaan dardargelinta siyaasadda arrimaha dibadda ee dalkan Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yidhi “Safiiradeenna iyo wakiiladeenu waxa ay muhiim u yihiin xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee dalalka aan saaxiibka nahay.”

Intii uu socday kulankii ka dhacay Bisoftu, safiirrada iyo danjirayaashu waxay ka tashanayeen waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee sannad-maaliyadeedka socda ee maalinta jimcaha curanaya (bilaabmaya).

Waxa ay sidoo kale dejiyeen qorshaha sannadka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadu ay tahay in ay mudnaanta siiso.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.