Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy oo maanta tababar u furay xubno ka tirsan xukuumadiisa cusub

Addis Ababa,Oct 11,2021 (Diqimti 01,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Tababar cusub ayaa waxa uu saaka subxnimadii u furmay masuuliyiintii dhowaan ay xukuumadda Cusubi soo magacawday.

Tababarkan ayaa waxa qaadanayay wasiirro iyo hoggaamiyeyaal sare oo ay xukuumadda cusub magacawday iyada oo ay baxinayso Akadeemiyadda Hoggaaminta ee  Afrika.

Ra’isalwasaare Abiy Axmed oo furitaankii khudbad jeediyay ayaa sheegay in hoggaanka looga baahan yahay inuu dalka ugu adeego gacmo nadiif ah iyo daacadnimo.

Wuxuu sheegay in barwaaqada Itoobiya lagu hubin doono horumarinta habboon ee kheyraadka Itoobiya, shaqada adag iyo daacadnimada.

Furitaanka Tababbarkaas ka dib, hoggaamiyeyaashu waxay sheegeen, inay u baahan yihiin inay ku dhaqmaan ruuxda wada shaqaynta iyo aqoonta ay ka korodhsaden tababarkani.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.