Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy oo qaabilay wefti ka socday dalka Zimbabwe

Addis Ababa,Apr 16, 2021 (Miyasiya 08,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisall wasaare Abiy Axmed ayaa saaka qaabilay wafti uu soo diray madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa.

Wafdigan oo uu hogaaminayay Ambassador Kwame Tapiwa Muzawazi oo ah safiirka Zimbabwe u jooga dalkan Itoobiya, ayaa waxa ujeedkoodkoodu ahaa soo bandhigidda Buug loo bixiyay “buugga Xaqiiqda Afrika” ,waxaana buuggan qoritaankiisa hagayay Midowga Afrika, si loo saxo Taariikhda Afrika 500-tii ee sano ee la soo dhaafay.

Buuggan Xaqiiq soo bandhigaha ah ayaa waxa looga gol-leeyahay in adduunka lagu baro dhaqanka, taariikhda iyo hiddaha Afrika.

Si loo soo bandhigo Buuggan Xaqiiq soo bandhigaha, waftigu waxa ay tixgelin u muujiyeen oo aqoonsadeen Kaalinta Itoobiya ee Xorriyadda Afrika iyo taageerada joogtada ah ee ay u hayso Pan-Africanism, sida laga soo xigtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.