Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy:dhaqaalaha Itoobiya waxa sannadkii hore ku kordhay boqolkiiba 6.1

Ababa Oct 19, 2020 (Tiqimti 09,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa daaha ka qaaday in dalkan Itoobiya uu sameeyay koboc dakhli dhaqaale oo lagu qiyaasay 6.1 boqolkiiba , intii lagu jiray sanad miisaaniyadeedkii ugu dambeeyay.

Ra’iisal wasaaraha oo ka jawaabayay su’aalaha xubnaha baarlamaanka sanadkii 6-aad kalfadhigiisii kowaad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Wakiilada ,waxa uu xusay in dalku soo xarayn karo koboc dhaqaale oo ah 6.1 boqolkiibaa,madaama laga hortagay saameynta uu cudurka faafaha daran ku yeeshay waaxda dhaqaalaha.

Ra’iisAl wasaaraha ayaa sheegay in Itoobiya ay qaaday tallaabooyin ka hortag oo wax ku ool ah si loo ilaaliyo dhaqaalaha,Isaga oo tixraacaya saameynta dhinacyada badan leh ee COVID 19 ee aafada ku ah dhinacyada bulshada iyo dhaqaalaha ee aduunka oo dhan.

”Iyada oo la iska caabinayo cadaadiska weyn ee ah in si buuxda loo xidho dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha sida warshadaha iyo waaxda duulimaadka, qaranku wuxuu ku guuleystey inuu yareeyo saameynta cudurka faafa daran waxaana kaliya u dhaqaalahu hoos u dhacay 2.9”.

‘’Heshiisyo badan oo deyn ah ayaa  la galay si loo dhiirrigeliyo waaxda dhaqaalaha ee dhinacyada warshadaha iyo wax soo saarka’’ayuu yidhi.

‘’Bankiyadu waxa ay macaamiisha gaadhsiiyeen 271 Billion Birr for  intii lagu guda jiray sannnadkii aynu soo dhaafnay taas oo
taas oo in ka badan 70 % ay u leexatay shirkadaha gaarka loo leeyahay’’. Sida uu sheegay Ra’iisal wasaaruhu.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.