Fana: At a Speed of Life!

RW iyo guddiga heer qaran ee “Dine for Ethiopia” oo kula wada qaatay

Ababa Sep 16, 2020 (Maskerem 6,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa la kulmay guddiga heer qaran ee “Dine for Ethiopia” si u dejiyaan lacagta ku baxaysa maalgalinta saddex mashruuc oo waaweyn oo ah mashaariic dhanka cagaarinta iyo kor u qaadista bilicda.

Maalgelinta waxa lagu fulin doona horumarinta mashaariicda kala ah Koysha, Wonchi iyo Gorgora, kuwaas oo laga fulinayo deegaanka shucuubta Koonfureed,sidoo kale deegaannada Oromada iyo Axmaarada ayaa lagu qiimeeyay kulanka ay isugu yimaadeen ra’iisal wasaaraha iyo guddiga heer qaran.

Shaqaalaha dawlada ee heerarka kaladuwan ayaa ugu deeqay mushaharkooda billaha ah halka jaaliyadaha qurbajoogtu ay bilaabeen inay dhigtaan lacagtooda akoownada lacagaha qalaad (Forex accounts)  si ay u maalgeliyaan mashaariicdan.

‘’Kordhinta dejinta kheyraadka ayaa sii socon doonta si loo gaadho bartilmaameed ah 3 bilyan oo Birr oo loogu talagalay in lagu guuleysto dhameystirka saddexda mashruuc’’, ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay  xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xafiiska waxa uu cadeeyay in xubnaha ganacsatadu ay balanqaadeen inay taageeri doonaan mashaariicda qurxinta ee ujeedadoodu tahay kor u qaadista  goobaha dalxiiska, soo celinta kheyraadka dabiiciga iyo abuurida fursadaha madadaalada dadweynaha ee guud ahaan dalka.

Ilaa 15 shirkadood iyo maalgashadayaal ayaa iibsaday rasiidh casho ah oo u dhiganta 225 Milyan oo Birr Talaadadii si ay u taageeraan mashaariicda qaran ee “Dine for Nation”.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.