Fana: At a Speed of Life!

RW ku-xigeenka dalkan Itoobiya iyo guddoomiye-kuxigeenka golaha ku meelgaadhka ah Suudaan oo kulan wada qaatay

Addis Ababa,Dec 23, 2020 (Tehsas 14,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arimaha dibada ee dalkan Itoobiya, Demeke Mekonnen ayaa kulan la qaatay gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha kumeelgaadhka ah ee dalka Suudaan Lt Gen Maxamed Xamdaan Dagalo.

Demeke iyo wafti uu hoggaaminayay ayaa shalay gaadhay magaalada Khartuum si ay uga qeyb galaan kulan labaad oo guddi siyaadeed heer sare ah oo labada dal kala socda ay yeelanayaan si uga wadahadlaan arrrimha xuduudaha ee labada dal ee Itoobiya iyo Suudaan.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada dal u dhexeeya iyo sidii loo xoojin lahaabaMar sii horraysay waxa kulan wada qaatay wasiirka gaadiidka ee Itoobiya, Dagmawit Moges, iyo wasiirka Kaabayaasha iyo gaadiidka ee Suudaan, Hashim bin Cawf.

Kulankankaas oo ay soo qaban qaabisay hay’ada tareenka ee dalka Suudaan, ayaa waxaa ka soo qayb galay Walid Maxamuud oo ah Agaasimaha tay’ada tareenka iyo Hisham Abu Zeid Agaasimaha waaxda gaadiidka dhulka ee Suudaan.

Kulankan ayaa looga hadlay mashruuca jid tareen oo isku xidhaya Itoobiya iyo Suudaan, kaas oo lagu qiyaasay  masaafo ahaan 1,512km, oo kala imanaya 594km oo dhanka Itoobiya ah iyo 918km oo ka imnaya dhanka Suudaan ah.

Waxa ay sidoo kale la isla soo qaaday arrimaha rakaabka gaadiidka dhulka waxayna ka wada hadleen saameynta coronavirus, taasoo horseeday hakad ku yimi rakaabkii iyo badeecadahii u kala gooshi jiray labada dal.

Dhanka kale ,wasiir Dagmawit waxa kale oo ay is dhaafsadeen Yasser Timo, oo ah agaasimaha shirkadda Suudan Airways dhinacyada iskaashiga ka dhexeeya shirkadaha diyaaradaha ee labada dal.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.