Fana: At a Speed of Life!

RW ku xigeenka:Itoobiya waxa ay sii wadi doontaa taageerada ay siiso hawlaha Ururka Qarammada Midoobay

Addis Ababa,Oct 27,2021 (Diqimti 17,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Demeqe Mokonin ayaa sheegay in Itoobiya sii wadi doonto islamarkaana sii xoojin doonto taageerada hawlaha badan ee ay ka waddo dalka.

Waxaana uu sheegay in dowladdu haatan ay ku dedaalayso sidii ay Qaramada Midoobay isku la fahmi lahaayeen xaaladda uu haatan ku suganyahay dalkan Itoobiya.

Sidoo kale ,waxa uu carrabka ku dhuftay maadaama ay Itoobiya ka mid tahay xubnihii lagu aas-aasay ururka caalamiga ah ee Qaramda Midoobayb,ay dhinaceeda ku dedaalayso sidii uu ururku u beegsan lahaa himiladiisa.

Sida ay sheegtay wasaaradda arrimada dibeddu,waxa munaasibad lasoo agaasimay lagu xusayay markii uu ururka Qaramada Midoobay si rasmi ah u bilaabay shaqadiisa Tiqimti 1945-kii,waxaana kasoo qaybgalay madax kala duwan oo kala socotay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Dhanka kale,Dhemeqe Mokonin ayaa waxa uu kulan is xogs-waraysi la qaatay madaxweynaha guddiga laanqayrta case ee caalamiga ah Peter Morar.

Waxaana wasiirku uu uga mahadceliyay madaxweynaha guddiga laanqayrta case e caalamiga ah waajib gudashada hay’adda laanqayrta casi ka waddo Itoobiya ee ay ka mid tahay adeegyada bani-aadannimada iyada oo aanay wax farogelin ku samayn dalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.