Fana: At a Speed of Life!

Rwanda oo Xidhay Xuduudeheeda Cabsida Corona-virus Awgeed!

Addis Ababa, March 23, 2020 (FBC Somali) –

Dhowr waddan oo oo ka tirsan Qaaradda Afrika ayaa soo tebiyey in laga helay kiisaskii ugu horreeyey ee cudurka Corona Virus. Dalalka Eritrea iyo Uganda ayaa ah kuwii ugu danbeeyey ee soo wariyey in kiisaskii u horreeyey ay dalkooda ka heleen.

Eritrea waxa ay sheegtay in muwaadin ka soo laabtay dalka Norway laga helay xanuunkaasi, haatanna uu ku jiro goob dadka loogu talogalay in lagu karantiilo.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in haatan kiisaska cudurkaasi ee qaaradda Afrika ay ka badan yihiin kun kiis.

Dhinaca kale, waddamada Africa qaarkood ayaa qaadaya tallaabooyin adag oo ay ku xakamaynayaan cudurkan, waxaa ugu horreeya waddanka Rwanda oo shalay ku dhowaaqay inay xireyso xuduudaha waddankaasi. Rwanda waxa ay sheegtay in qofkii soo gala dalkeeda uu muddo 14 maalmood ah lagu hayn doono karantiil.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.