Fana: At a Speed of Life!

Sacuudiga oo soo dhoweeyey tallaabo uu qaaday Mareykanku

Addis Ababa,Jan 13, 2021 (Dir 05,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dowladda Sacuudiga ayaa Isniintii soo dhoweysay go’aan ay dowladda Mareykanka urur argagixiso ugu aqoonsatay kooxda Xuutiyiinta ee dagaalka kula jirta dowladda Sacuudiga ay taageeraan ee dalka Yemen.

“Wasaaradda arrimaha dibedda waxay soo dhoweyneysaa go’aanka uu maamulka Mareykanka ugu calameeyey maleeshiyada Xuutiyiinta urur argagixiso,” waxaa sidaas lagu yidhi qoraal ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Saudi Press Agency.

“Tani waxay waafaqsan tahay baaqyada dowladda sharciga ah ee Yemen ee ah in lasoo geba-gebeeyo dhaq-dhaqaaqyada maleeshiyada ay tagaeerto Iran.”

Dhinaca kale taliyaha siyaasada Xuutiyiinta Mohamed Ali al-Huthi ayaa cambaareeyey go’aanka dowladda Mareykanka, wuxuuna sheegay “inay xaq u leeyihiin inay ka jawaabaan.”

“Shacabka Yemen makala jecla go’aan kasta oo uu maamulka Trump wax ku calaamadiyay, ayada oo saaxiibadoodu ay dilayaan shacabka Yemen, ayna cunaha qabteen,” ayuu yidhi.

Sidoo kale, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran Saeed Khatibzadeh ayaa cambaareeyey go’aanka Mareykanka, wuxuuna ka digay “in dowladda musalaftay ee Mareykanka ay sii dhaawaceyso sumcaddeeda” maalmaha ugu dambeeya ee xukunka Trump.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.