Fana: At a Speed of Life!

safiirka dalkan Itoobiya ee Kuwayt oo kulan laqaatay guddoomiha gobolka Al Jahra ee Kuwayt

Addis Ababa,Jan 06, 2021 (Tehsas 28,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Safiirka dalkan Itoobiya u fadhiya  Kuwayt, Abdulfataax Cabdulahi ayaa kulan la qaatay  guddoomiyaha gobolka Al Jahra ee dowladda Kuwayt, Nasser Al-Hajraf, waxaana ay ka wadaxaajoodeen xidhiidhka labada dal iyo xaaladda uu marayo dalkan Itoobiya.

Danjire Abdulfataax wuxuu sheegay in Itoobiya iyo Kuwayt ay ku naaloonayeen cilaaqaad adag oo diblomaasiyadeed, dhaqaale iyo mid dad-ba. Wuxuu mahadcelin balaadhan u jeeediyay  gudoomiyaha sida uu isaga xilsaaray ilaalinta muwaadiniin itoobiyaan ah eek u dhaqan gobolkaasi.

Wuxuu sidoo kale warbixin ka siiyay Al-Hajraf  xaaladihhii ugu dambeeyay ee deegaanka Tigreega, arrimihi biyoxdheenka weyn ee Itoobiya  oo uu danjiruhu u sheegay in Itoobiya ay xaq u leedahay isticmaalka Biyaha webiga Niilka.

Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya taageersanatahay sii socoshada wadahadallada uu Midowga Afrika (AU) gadhwadeenka kaga yahay wadaxaaajoodka  saddex geesoodka ah ee biyo xidheenka ee u dhaxeeya dalalka Itoobiya ,Suudaan iyo Masar.

Nasser Al-Hajraf ayaa dhankiisa sheegay in labada dal xoojiyaan xidhiidhkooda dhinacyada maalgashiga, dalxiiska, iyo arrimaha bulshada iyo sidoo kale inay iska kaashadaan keenista shaqaalaha.

Dhanka kale,wuxuu  sheegay in kuwayt ay taageersantahay in khilaafka biyo-xidheenka lagu xaliyo wadaxaajood.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.