Fana: At a Speed of Life!

Safiirka Itoobiya u jooga Jabuuti oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jabuuti

Addis Ababa,June 04, 2021 (Ginbot 27,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Safiirka dalkan Itoobiya u jooga Jabuuti Berhanu Tsegaye ayaa shalay kulan is-xogwaraysi la qaatay Wasiirka Arimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

Wasiir Maxamed ayaa caddeeyay in dowladiisu ahmiyad gaar ah siinayso xidhiidhka kala dhaxeeeya Itoobiya

Mohammed wuxuu ku celiyey in dowladiisa ay ahmiyad sare siineyso xiriirka ay la leedahay Ethiopia, sida ay sheegtay wasaarada arimaha dibada,wuxuuna intaasi raaciyay in Itoobiya iyo Jabuuti uu ka dhexeeyo xidhiidh adag oo tusaale u ah wadamada kale ee deriska ah.

Wuxuu cadeeyay in dowladiisa ay diyaar u tahay inay sare qaadayso dhammaan xidhiidhada dublamaasiyadeed.

Danjire Berhanu wuxuu dhankiisa uga warbixiyay wasiirka xaaladihhii ugu dambeeyay ee Itoobiya ee ay k a mid ka yihiin doorashada soo socota ee dalka ka dhacaysa dabayaaqada bishan Juun,xaadaha ka taagan deegaanka Tigray,khilaafka xuduudeed u dhaxeeya ee Itoobiya iyo Suudaan iyo weliba wadaxajoodka saddexgeesoodka ee Biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.