Fana: At a Speed of Life!

Safiirrada Dalalka Itoobiya iyo Norway ee magaalada Khartuum ayaa isdhhaafsaday arrimo ku saabsan xaaladaha taagan

Addis Ababa,Jan 18, 2021 (Dir 10,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Safiirka Itoobiya u fadhiya Suudaan Yibeltal Aimro ayaa kala xaajooday dhigiisa Norway Theresa Lukin arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaankaTigray iyo muranka xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan.

Safiir Yibeltal ayaa uga warbixiyay dhigiisa Norwey dedaallada bini’aadanimo iyo howlaha dib u dejinta  ee laga wado deegaankaTigray iyo mowqifka Itoobiya ee ku aaddan siyaabaha lagu xalin karo muranka xuduudda ee kala dhaxeeya Suudaan.

Siyaabaha gacan ka geysankara wax ka qabashada khilaafka xuduudaha ee Suudaan ayaa si cad loo dejiyay iyadoo la tixraacayo qoraallo hore la is dhaafsaday, safiirka ayaa yidhi iyo weliba adkeynta baahida loo qabo in wax laga qabto si loo ilaaliyo nabad waarta oo ka dhex dhalata labada qaran iyo gobolka sidoo kale.

Xog khaldan oo laga faafiyay oo la xidhiidha wax ka qabashada arrimaha bina-aadamnimada ee deegaanka Tigray ayaa loogu tala galay in lagu waxyeeleeyo dadaalka dalkan Itoobiya ee ah in xal waara laga gaadho dhibaatooyinka ka jira deegaanka, Safiirka ayaa yidhi, isagoo ugu baaqay dhammaan dadka ka walaacsan Tigray iyo dalkan Itoobiya guud ahaan inay ku taageeraan dowladda dadaalada dib u dejinta, sida lagu sheegay bayaan kaso baxay safaarada Khartoum.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.