Fana: At a Speed of Life!

Safiirrada dalalka kala duwan u jooga dalkan Itoobiya oo bogaadiyay bilicda beerta dabiiciga ah ee Entoto

Ababa Oct 11, 2020 Tiqimti 01,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Safiirrada  dalalka kala duwan u jooga dalkan Itoobiya ayaa la yaabay bilicda madadaalada dabiiciga ah iyo ta dad-sameega ah ee beerta dabiiciga ah Entoto.

Safiirrada booqday Sabtidii Beerta Dabiiciga ah ee Entoto ayaa sheegay in dadaalka lagu bixiyay hirgelinta goobtan uu muujinayo sida dowladda Itoobiya ay uga go’an tahay kor u qaadista dalxiiska iyo sidoo kale qeybaha maalgashiga.

Safiirka Gabon u fadhiya Itoobiya Ermon Emongo ayaa muujiyay sida uu ula dhacsan yahay jimicsiga farshaxanaysan iyo qalabka nasasho ee uu ku soo arkay beerta dabiiciga ah.

‘’Waxaan halkan keenayaa qoyskeyga oo dhan si ay ula dhacaan quruxda beerta’’.

‘’Waxaan rabaa in aan bogaadiyo dadaalka maalgashi ee dowladu  wado si looga caawiyo dadka Afrikaanka kale in ay wax ka bartaan Itoobiya ”, ayuu yidhii danjiruhu.

Waa mid weyn oo soo jiidasho leh taas oo magaalooyin kale oo  Afrikaan ahi ay wax ka baran karaan, ayuu raaciyay.

Danjiraha Sierra Leone u fadhiya Itoobiya, Adekunle J.M King ayaa xusay in Beerta Dabiiciga ah ee ‘Entoto Natural Park’ ay leedahay muhiimad weyn oo kor loogu qaadayo bilicda Addis Ababa marka laga yimaaddo kor u qaadista waaxda dalxiiska ee magaalada.

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa shalay Sabtidii xadhiga ka jaray beerta dabiiciga ah ee Entoto Natural Park, oo ka mid ah mashaariicda cagaaran iyo kuwa muuqaal qurxineed ee laga hirgeliyay magaalada Addis Ababa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.