Fana: At a Speed of Life!

Sanduuqa qurbajoogta Itoobiya oo shaqaalaha caafimaadka ugu deeqay 6.6 milyan oo gacmo-gashi

Ababa Sep 28, 2020 (Maskerem 18,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Sanduuqa Qurbajoogga Itoobiya ‘EDTF’ ayaa shaqaalaha caafimadka ee dalkan Itoobiya ugu deeqay 6.6 milyan oo gacmo-gashi (Gloves) si shaqaalaha caafimaadku uga gaashaantaan xanuunka safmarka ee COVID19 .

Deeqdan ayaa ah tii 2aad ee ay ku deeqaan Sanduuqa Qurbajoogga Itoobiya,si bahda caafimaadka looga taageero dagaalka ay kula jiraan feyraska koroona.

Bishii Juun ee la soo dhaafay, Sanduuqa Qurbajoogtu waxa uu Wasaaradda Caafimaadka ugu deeqay  agab caafimaad oo qiimihiisu dhan yahay 40 Milyan oo Birr.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.