Fana: At a Speed of Life!

Sannad-guuradii saddexaad ee kasoo wareegtay markii ra’iisal wasaare Abiy la wareegay talada dalka oo la xusayo maalinta Jimcaha

Addis Ababa,Mar 30, 2021 (Megabit 21,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Sannad-guuradii 3-aad ee kaso wareegtay markii xafiiska uu la wareegay ra’iisul-wasaaraha dalkan Itoobiya Abiy Axmed ayaa maalinta jimcaha ee soo socota lagu xusi doonaa magaaladan, Addis Ababa.

Waxaana sannad-guuradan halkudhig looga dhigay: “Nabadda Dalkeygu aniga ayay i khusaysaa” sida ay sheegeen kooxaha qabanqaabada ee munaasabaddani.

Bandhig faneedka ayaa ka bilaaban doona fagaaraha Meskel ,waxaana la gaadhsiin doonaa ilaa nawaaxiga  magaalada Addis Ababa ,sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Itoobiya (ENA).

Qabanqaabiyeyaashu waxa ay ku muujiyeen shir-jaraa’id oo ay maanta qabteen in sannad-guuradan ay ka caawin doonto jiilka soo koraya fahamka dhabta ah ee ka shaqeynta midnimada iyo nabadda.

Wakiilka dhalinyarada, Moti Moreda oo waraysi kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay in ay tahay in Itoobiyaanku ay amaanaan ra’iisul wasaare Abiy maadaama uu horeyba u kasbaday aqoonsi caalami ah oo ah ka shaqaynta nabada.

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa loo doortay raiisul wasaaraha dalkan Itoobiya taariikhdu markay ahayd Abriil 2, 2018,waxaana maalinta Jimcaha ku buuxda sannad-guuradiisii saddexaad ee uu xafiiska dalka looga arrimiyo joogay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.