Fana: At a Speed of Life!

Shiinaha oo sheegay in uu si adag u taageerayo dedaallada lagu ilaalianayo madax-bannaanida Qaran ee Itoobiya

Addis Ababa,Aug 26,2021 (Nehase 20,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Shiinaha ayaa sheegay in uu diyaar u yahay xoojiyinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee wax -ku -oolka ah ee uu la leeyahay Itoobiya, sida uu shalay sheegay qunsulka dawladda Shiinaha ahna wasiirka arrimaha dibadda Wang Yi.

Wang oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka faa’iidaysto kulanka soo socda ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) si loo dardar geliyo iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

Wadaxaajoodkaas oo uu khadka taleefanka kula qaatay Ra’iisul Wasaare Ku -xigeenka Itoobiya ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Demeke Mekonnen, Wang wuxuu sheegay in Shiinaha iyo Itoobiya leeyihiin iskaashi istiraatiijiyadeeed oo dhammaystiran, xidhiidhka saaxiibtinnimo ee labada dhinacna uu soo maray tijaabooyin iyada oo waqti ka dib uu sii xoogaystay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.