Fana: At a Speed of Life!

Shinniile oo laga billaabay dhismaha mashruuca biyo-mareen dhererkiisu dhan yahay 750 Mitir.

Addis Ababa,May 16, 2021 (Ginbot 09,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dhismaha mashruucan biyo-mareenkan dhererkiisu dhan yahay 750-ka Mitir waxay ka mid yihiin mashaariicda Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha ee DDS uu ka wado magaalada Shinniile iyo xaafadda Mar-maarsa ee ka tirsan degmada Shinniile ee gobolka Siti.

Sidoo kale, dhismahan mashruucan biyo-mareenkan oo dhismihiisu meel fiican marayo waxaa kale oo daba-socda 1 waddo oo ah nooca dhagaxa qoran ee la goglo’, islamarkaana dhererkeedu dhan yahay 750 Mitir, ballac ahaanna dhan 13 Mitir oo laga dhisi doono waddadaasi isla goobta uu ka socdo biyo-mareenku.

Mashaariicdan ayaa waxay ka qeyb-qaadan doontaa horumarka, dhaqaalaha, adeegga arrimaha bulshada iyo bilicda magaalada Shinniile.

Qaar ka mid ah shacabka magaalada Shinniile ayaa sheegay in dhismaha mashruucan biyo-mareenkan ee laga taabbo-gelinayo uu furdaaminayo dhibaatada roobka iyo daadka. Sidoo kale waxaa mashruucan shaqo-abuur ka helay in ka badan 45 qof oo ah bulshada magaalada Shinniile, kuwaas oo noloshooda ku maareeya.

Dhismaha mashruucan biyo-mareenkan oo uu dhererkiisu dhan yahay 750 Mitir waxaa uu qeyb ka yahay laba waddo oo ah nooca dhagaxa qoran ee la goglo’ iyo biyo-mareen dhererkiisu dhan yahay 900 Mitir oo laga fuliyey xaafad-weynta Mar-maarsa ee ka tirsan degmada Shinniile ee gobolka Siti.

SRTV Rasmi Page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.