Fana: At a Speed of Life!

Shir Lagaga Hadlayay Ilaalinta Deegaanka Iyo Duurjoogta Ayaa Kafurmay Hoolka Shirarka Ee Garaad Maxamed Dool.

Addis Ababa,Feb 25, 2021 (Yekatit 18,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Shirkan ayaa waxa kasoo qaybgalay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalkan Itoobiya Hayla Maryam Dhasalen, Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo Kuxigeenkiisa Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax Madaxwayne kuxigenka Deegaanka Oromada Mudane Adisu Araga Golaha fulinta Deegaanka iyo xubno kale oo kakala socdey Deegaanada Soomaalida Iyo Oromada.

Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in ujeedada shirkani ay tahay in laga wada hadlo dhibaatooyinka haysta xerrooyinka lagu dhaqo maroodiga kunool baabili, iyadoo waliba ay jiraan xogo sheegaya in goobahaasi ay galaan xoolaha noocyadooda kaladuwan taasi oo lagama maarmaan kadhigaysa in xalwaara ay kagaadhaan in la ilaaliyo duurjoogta uu maroodigu kamidyahay labada deegaan ee Somalida iyo Oromada oo 3dii sanno ee ugu danbaysay uu kadhaxeeyay xidhiidh walaalnimo iyo mid nabadgalyo oo qotodheer.

Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka mudane Hayla Maryam Dhasalin ayaa geestiisa kulankani ka sheegay isbadalka cimilada ee maanta aduunka saameeyay in waxa kaliya ee lagaga hortagi karo ay tahay ilaalinta deegaanka iyo kaymaha isagoona intaasi kudaray in itoobiya ay khibrad wanaagsan kaqaadato wadamada guulaha waawayn kasoo hooyay dhinacyada ilaalinta deegaanka sida Ruwandha iyo Koonfur Africa.

Mudane Haylamaryam Dhasalin waxa uu sheegay si aysan udabar gu’in duurjoogta aan wadamada kale lagahelin ee dalkeenu leeyahay sida Maroodiga baabili iyo libaaxa midabka madow in ay muhiim tahay kawada shaqaynta ilaalinta Duur-joogta.

Ugu danbayntiina haayada hayle maryam iyo Roman waxay deegaanka Somalida iyo Oromada Kala shaqaynaysaa sidii loo ilaalin lahaa loona daryeeli lahaa kaynta maroodiga ee baabili ayuu yidhi raysal wasaarihii hore ee dalka mudane haylamaryam dhasalin.

Xayawaanka Maroodiga oo kamid ah duurjoogta deegaanka soomaalida ayaa lasheegaa in uu ka firxaday seerihii uu ku noolaa meelaha qaar, kadib markii ay soo dageen shacab farabadani, ujeeda ugu wayn ee kulankanina waxa ay ahayd in lahelo xal waara oo badbaado unoqonaya maroodiga, loogana mancin karo goobaha hooyga u,ah shacabka iyo xoolahaba.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.