Fana: At a Speed of Life!

Shir-weyne lagaga hadlayo isbeddalka cimilada oo ka qabsoomay magaalada Jig-jiga

Addis Ababa,Apr 22, 2021 (Miyasiya 14,2013 T.I (FBC/SOMALI)-”Isbeddalka cimiladu waa xaalado ay ka dhashaan dhibaatooyin kala duwan”.haddaba, si taasi looga gaashaanto waxaa madasha kulammada ee Qaryaan Dhoodaan ka qabsoomay shir-weyne markiisii u horreysay qabsooma oo uu soo diyaariyey Xafiiska Deegaanka, Kaymaha iyo Isbeddalka Cimilada, ayna ka soo qeyb-galeen Madaxwayne ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahin Cusmaan, masuuliyiinta Xafiiska Deegaanka, Kaymaha iyo Isbeddalka Cimilada, masuuliyiin heer deegaan ah, masuuliyiin ka socotay Komishinka Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada Ee Dalka, Wasiirka Wasaaradda Kaymaha Iyo Isbeddalka Cimilada ee Somaliland, qaybo ka mid ah masuuliyiinta Jaamacadda Jig-jiga iyo hay’ado heer caalami ah.

Shirkan ayaa lagaga hadlay, khibradana la isku waydaarsaday xal-u-helidda caqabadaha iyo dhibaatooyinka uu keeno isbeddalka cimiladu, iyo sidii ay bulshadu ugu yeelan lahayd adkaysi, loona yarayn lahaa dhibaatooyinka ka dhasha.

Madaxwayne ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan, oo shirkani furay ayaa sheegay In isbeddalka cimiladu uu yahay mid caqabad weyn ku haya guud ahaan geeska Afrika, ayna lagama maar-maan tahay in si iskaashi ah looga wada shaqeeyo xalka caqabadaha ka dhasha “Isbeddalka Cimilada”, korna loo qaado wacyiga bulshada, si ay bulshadeennu u noqoto mid ka gaashaamman karta dhibaatooyinka isbeddalka cimilada.

Dhankiisa Prof,Fiqaadhu Beyane, Komishineerka Komishinka Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada, ayaa sheegay in Itoobiya ay inta badan ka dhacaan dhibaatooyin la xidhiidha isbeddalka cimilada, kuwaasi oo keena masiibooyin dabiici ah,ayna Deegaanka Soomaalida ka wada shaqayn doonaan sidii loo yarayn lahaa dhibaatooyinka ka dhasha isbeddalka cimilada sida; dhuxulaysiga iyo wixii la halmaala.

Agaasimaha Guud Wasaaradda Isbeddalka Cimilada Somaliland ayaa sheegay in bulshada xoolo-dhaqatada ah ay inta badan saameeyaan dhibaatooyin la xidhiidha isbeddalka cimilada, shirkanina uu noqonayo mid la isku waydaarsado wax-ka-qabashada dhibaatooyinka ka dhasha isbeddalka cimilada. taasina ay xal u noqonayso hab-nololeedka bulshada ee dhanka isbeddalka cimilada.

Mudane Xasan Faarax, Wasiirka Xafiiska Deegaanka, Kaymaha iyo Isbeddalka Cimilada DDS, ayaa shirkani ku tilmaamay mid xal u noqonaya dhibaatooyinka caafimaad iyo midka dhaqaale ee ka dhasha isbeddalka cimilada.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.