Fana: At a Speed of Life!

Shirarkii wadatashiga ee hogaaminta dhexe ee xisbiga barwaaqo ee Somaalida uga socday 11-ka gobol ee deegaanka oo lasoo gebagebeeyay

Addis Ababa,Jan 10,2022 (Dir 02,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Waxaa si wanaagsan loo soo gabagabeeyey dhammaan shirarkii wadatashiga ee hogaaminta dhexe ee xisbiga barwaaqo ee soomaalida isla markaana ay ka soo bexeen go,aamo wax ku ool ah oo waxtar uleh dalka iyo deegaankaba.

Shirkani wadatashiga ah oo xooga lagu saaray guud ahaan doodo ku saabsan xaaladda dalka gaar ahaanna kobcinta dimuqraadiyadda ku dhaqanka cadaallada iyo sinnaanta hirgalinta saraynta sharciga iyo sugidda amniga dalka iyo deegaanka ayaa waxaa uu sidii loogu talagalay uu uga qabsoomay isla markaana lagu soo gabagabeeyey 11 gobol ee dowlad deegaanka soomaalida.

Shirarkani wadatashiga ah oo uu soo diyaariyey xafiiska xarunta dhexe ee xisbiga barwaaqo ee soomaalida ayaa waxaa wareegii kowaad ee shirarka wada tashigu uu ka qabsoomay heer deegaan ilaa heer gobol kaas oo hogaaminta sare iyo hogaaminta dhexe ay si ballaadhan ay uga doodeen guud ahaan xaaladda dalka iyo arimaha bad baadada iyo gurmadka bulshada deegaanka ee arimaha abaaraha.

Waxaana shirarkani wadatashiga ah ee gobollada iyo deegaanka ka soo baxay go,aamo wax ku ool ah oo ay kamid yihiin

1: in dhammaan laga qayb qaadan doono hawlaha samatabixinta bulshada deegaanka oo ay ku habsatay abaar ba,an oo saamaysay dhammaan dadka,xoolaha iyo deegaankaba.

2: in hiil iyo hooba ay kaga qayb qadanayaan gurmadka dhinaca abaaraha oo ay dhammaan hogaaminta xisbiga ee deegaanku ugu deeqi doonaan bil mushaharkooda ah.

3: in guud ahaan ay taageerayaan go,aanka xukuumadda iyo xisbigu ay ka soo saareen arimaha la xidhiidha gurmadka abaaraha.

4: in ay hogaaminta xisbigu diyaar ay u yihiin hawlaha suggidda amniga iyo xasiloonida deegaanka.

5: sidoo kale waxay hogaamintu ay ballan qaaday inay sii laba jibaarayso hawlaha xoojinta adeeg bixinta bulshada iyo hirgalinta maamulka suubban.

Ugu dambayntii shirarkan wadatashiga ah oo sidii la rabay uga dhacay dhammaan gobollada deegaanka ayaa waxaa uu kusoo gaba gaboobay guulo wax ku ool ah oo waxtar weyn uleh dalka iyo deegaankaba.

Xigasho: XWDDS

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.